Student Handbook
Ku soo dhawoow Buugga Shuruucda Ardayda SRC Pre-University.Boggan waxa ku qoran dhammaan shuruucda iyo nidaamyada ay waajib tahay in ardaydu raacayaan inta ay wax ka baranayaan SRC.Fadlan si taxaddar leh u akhri oo u hoggaansanow dhammaan xeerarkan.
📘 Shuruucda Fasax Qaadashada Ardayda
✅ 1. Tirada Fasaxyada La Ogol Yahay
- Ardaygu semestar kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu fasax qaato 3 jeer oo keliya.
📚 2. Waajibaadka Fasaxa
- Haddii uu fasax qaato, ardaygu waa inuu:
- Diyaariyaa casharrada uu ka maqnaa.
- Raadsadaa caawimo haddii uu u baahdo (macallin ama saaxiib).
📝 3. Xafiiska Imtixaanaadka
- Ardayga fasax qaatay xafiiska imtixaanadku wuxuu ka qaadikaraa imtixaan gaar ah (special exam).
- Imtixaankan waxa laga diyaarinayaa casharradii uu maqnaa.
- Ardayga laguma wargelinayo ogaysiis rasmi ah waqtiga imtixaanka.
👨🏫 4. Mas’uuliyadda Macalimiinta
- Macalimiinta waxaa lafarayaan in ay
- Su’aalaha ugu badan ka weydiiyaan ardaygii hore uga maqnaa hafasax qaato ama yaanu fasaxqaadane.
- Ka hubiyaan in uu si dhab ah u soo diyaariyay wixii cashar ah ee uu ka maqnaa.
🚫 5. Maqnaanshaha Fasax La’aan
- Haddii ardaygu maqnaado fasax la’aan:
- Cudur daar looma aqbali doono.
- Waxa uu mutaysanayaa ganaax adag.
📲 6. Habka Fasax Qaadashada
- Ardaygu waa inuu:
- Fariin kusoo diro WhatsApp-ka 063-8252025.
- Fariintaas ku xusaa:
- 👤 Magaciisa oo saddexan.
- 🏫 Fasalkiisa iyo waxa uu dhigto.
- ✍️ Sababta uu fasax u qaadanayo.
- Waqtiga codsiga:
- Ugu badnaan: 3 saacadood ka hor xiisada.
- Ugu yaraan: 1 saac ka hor xiisada .
❌ 7. Wixii Aan La Ogolayn
- Lama ogola:
- 📞 Soo wicitaan (phone call).
- 🙍 Fasax qof kale la soo dhiibto.
- 👨🏫 In macallin laga fasax qaato.
- Habka kaliya ee la ogol yahay waa fariin WhatsApp ah.
⚠️ 8. Digniin Muhiim ah
- Ha ku soo dirin fariinta WhatsApp Disappearing Messages (kuwa 24 saac kadib is tirtira).
- Fariimaha noocaas ahi lama aqbali doono. Hadii fariintu is tirtirto waxaa loo qanoonsandoonaa maqnaashiyo bilaa fasax ah.
- Xaadiriskiisa ardaygu saga masuulka ah hadii la qaldo xitaa haduu joogay wuxuu mutaysanayaa ganaaxa qofka maqnaa.
📌 SHURUUCDA LAB-KA KAAMBUYUUTARADA (COMPUTER LAB RULES)
🔴 QAYBTA 1: AMNIGA & ILAALINTA HANTIDA (MUHIIM UGU SARREYSA)
- ❌ Lama ogola in kaabuyuutarka laga saaro laabka fasax la’aan.
- ❌ Lama ogola in kursi ama qalab kale laga qaado laabka adoon macalin fasax ka haysan.
- ❌ Lama ogola in kaabuyuutarka booskiisa laga beddelo.
- ❌ Lama ogola in la geliyo flash/USB computer-ka.
- ❌ Waa inaad si sax ah u damisaa computer-ka marka aad dhamaysato shaqadaada.
🟠 QAYBTA 2: ISTICMAALKA SAXDA AH EE COMPUTER-KA
- ❌ Lama ogola in lagu ciyaaro game-yada (marka laga reebo kuwa waxbarasho ee kor u qaadaya xirfadda).
- ❌ Lama ogola in la daawado muuqaalo ka baxsan aqoonta technology-ga.
- Ardaygu waan uu fahmaa sida loo isticmaalo Laptop-ka iyo Desktop-ka labadaba waana ku waajib.
🟡 QAYBTA 3: ANSHAXA & HAB-DHAQANKA ARDAYGA
- ❌ Lama ogola hadal iyo sheeko cod dheer.
- ❌ Lama ogola in lagu fadhiisto xafiiska maamulka Labka ama Computer-Kiisa idam la’aan.
- ❌ Lama ogola in la gashado niqaam ama face mask gudaha laabka.
🟢 QAYBTA 4: NADAFAADDA & DEEGAANKA
- ❌ Lama ogola in la keeno cunto, cabitaan ama xanjo gudaha laabka.
- 🧼 Waa inaad nadiifisaa deegaankaaga waxbarasho (miiska iyo computer-ka).
- 🔄 Waa inaad ku celisaa qalab kasta meeshiisii marka aad isticmaasho.
🔵 QAYBTA 5: MAAMULKA XIISADDA & WAJIBAADKA ARDAYGA
- ⏰ Waa inaad wakhtigeeda ku timaadaa xiisadda.
- 💻 Waa inaad si buuxda u qaadataa practical-ka.
- ⌨️ 10-kii daqiiqo ee u dambeeya isticmaal Rapid Typing.
- ⚠️ Waa inaad macalinka ama maamulka u sheegtaa wixii cilad ah ee aad aragto.
- Labka makeenikaro ardaygu qof aan kadiiwaangashanayn SRC hadii ay taasi dhacdo ardaygu wuxuu qaadanayaa masuuliyada qaladka iyo ciqaabta ka dhalata.
🟣 WAXYAABAHA LA OGOL YAHAY
✔️ Ardaygu wuu duubi karaa muuqaalo la xiriira waxbarashadiisa (educational purposes only) isagoo u isticmaalaya Social media ama kayd sidookale ardaygu Labka wuxuu ku galikaraa sawiro waxaase waajib ah in labka uu iska nidaamiyo marka hore.
⚠️ CIQAAB & GANAAX
👉 Qofkii ku xadgudba shuruucdan wuxuu muteysanayaa:
- Ganaax
- Ka saarid ku meel gaar ah
- Ama ciqaab kale oo adag oo maamulka go’aamiyo
XEERKA IYO SHURUUDAHA SCHOLARSHIP-KA SRC PRE-UNIVERSITY
Qodobka 1aad: Ujeeddo
Scholarship-ka SRC waxaa loo sameeyey in lagu taageero ardayda leh karti, dadaal, anshax wanaagsan iyo baahi dhaqaale, si ay u helaan fursad waxbarasho. Scholarship-ku waa mudnaan, mana aha xuquuq joogto ah.
QAYBTA 1: XUQUUQDA ARDAYGA SCHOLARSHIP-KA HELAY
Qodobka 2aad
Ardayga scholarship-ku wuxuu xaq u leeyahay:
- In laga dhaafo khidmadda waxbarashada sida ku cad boqolleyda scholarship-ka.
- In uu ka qaybgalo dhammaan casharrada iyo imtixaannada.
- In uu isticmaalo maktabadda, shaybaadhka iyo adeegyada SRC.
- In uu helo warqad ama caddeyn muujinaysa scholarship-kiisa.
- In uu codsado dib-u-eegis haddii scholarship-kiisa laga joojiyo.
- In si siman loola dhaqmo isaga iyo ardayda kale.
- In uu helo talo iyo hagid waxbarasho marka loo baahdo.
QAYBTA 2: WAAJIBAADKA ARDAYGA
Qodobka 3aad
Ardayga scholarship-ku waa inuu:
- Ilaaliyaa sumcadda SRC.
- Ixtiraamaa xeerarka iyo nidaamka machadka.
- Joogteeyaa fasallada ugu yaraan 90%.
- Ka qaybqaataa imtixaannada iyo shaqooyinka loo diro.
- Ilaaliyaa anshax, edeb iyo akhlaaq wanaagsan.
- Bixiyaa wixii kharash ah ee aan scholarship-ku daboolayn.
- Xafidaa hantida SRC.
- Ka fogaadaa wax kasta oo dhaawici kara magaca machadka.
QAYBTA 3: SHURUUDAHA SII HAYNTA SCHOLARSHIP-KA
Qodobka 4aad
Si scholarship-ku u sii socdo ardaygu waa inuu:
- Keenaa celcelis (Average) ugu yaraan 70%.
- Uusan ku dhicin wax maaddo ah.
- Joogitaankiisu ka badnaadaa 90%.
- Uusan gelin dacwad anshaxeed.
- Uusan si joogto ah uga maqnaan fasalka sabab la’aan.
- Uusan bixin xog been abuur ah markii uu codsanayey scholarship-ka.
QAYBTA 4: DIGNIINAHA
Qodobka 5aad
Khaladaadka fudud ee ugu horreeya waxaa lagu qaadi karaa:
- Digniin afka ah.
- Digniin qoraal ah.
- Hakinta scholarship-ka muddo kooban.
- La socod gaar ah muddo cayiman.
QAYBTA 5: QALADAADKA SABABI KARA IN SCHOLARSHIP-KA LA JOOJIYO
Qodobka 6aad
Scholarship-ka waxaa si toos ah ama go’aan guddi loogu joojin karaa haddii ardaygu:
- Ku dhaco hal ama in ka badan oo maaddooyin ah.
- Celceliskiisu ka hooseeyo 70%.
- Ka maqnaado fasalka in ka badan 10%.
- Sameeyo qish imtixaan.
- Been ka sheego dokumentiyo ama xogta codsiga.
- Ku lug yeesho dagaal ama rabshad.
- Caayo macallin, shaqaale ama arday kale.
- Burburiyo hanti SRC leedahay.
- Xado hanti ama qalab machadku leeyahay.
- Adeegsado mukhaadaraad ama waxyaabo maanka dooriya gudaha machadka.
- Faafiyo warar dhaawacaya sumcadda SRC.
- Sameeyo anshax-xumo
- Diido inuu u hoggaansamo go’aamada maamulka.
QAYBTA 6: KA NOQOSHADA SCHOLARSHIP-KA
Qodobka 7aad
Scholarship-ku si toos ah ayuu u baaba’ayaa haddii:
- Ardaygu waxbarashada ka baxo.
- Ardaygu codsado inuu ka tanaasulo.
- Ardaygu u wareego machad kale.
- Ardaygu jebiyo xeerarka muhiimka ah ee scholarship-ka.
📘 Shuruucda Re-Exam, Re-Course-ka iyo Natiijooyinka (SRC Pre-University)
🔹 1. Re-Exam
- Re-Exam waa arday galay imtixaankii balse helay darajo ka hooseysa tii laga rabay, sidaas darteedna dib u galaya imtixaanka.
- Ardayga Re-Exam-ka ah waa inuu yimaadaa maalinta imtixaanka loo qorsheeyo.
- Lacag lagama qaadayo Re-Exam-ka.
- Darajada ugu sarreysa ee ardaygu heli karo marka uu galo Re-Exam waa (B), xitaa haddii uu helo 100%.
🔹 2. Re-Course
- Re-Course waa arday ka maqnaaday (jaray) maalintii imtixaanka, isla markaana aan gelin imtixaanka.
- Ardaygaas waxaa laga doonayaa $10 course-kiiba si dib loogu siiyo fursad imtixaan.
- Maadaama uusan hore u gelin imtixaanka, ardaygu wuxuu xaq u leeyahay dhammaan darajooyinka uu keeno.
🔹 3. Ka maqnaanshaha marar badan (Multiple Attempts)
- Haddii ardaygu mar labaad ka maqnaado imtixaanka loo qorsheeyay:
- Waxaa loo qabanayaa imtixaan mar saddexaad.
- Qiimaha Re-Course-ku wuxuu noqonayaa $20 course-kiiba.
- Arday laba jeer maqnaaday → $20
- Arday mar dhacay, marna maqnaaday → $10 course-kiiba
🔹 4. Ka maqnaanshaha mar saddexaad
- Haddii ardaygu ka maqnaado imtixaanka mar saddexaad:
- Wuxuu luminayaa dhammaan xuquuqdiisa waxbarasho.
- Ma heli karo:
- Shahaado
- Transcript
- Testimonial Letter
- Recommendation Letter
- Iyo wixii la mid ah
🔹 5. Dib u gelitaanka imtixaan (Improvement Request)
- Haddii ardaygu baaso imtixaanka balse rabo inuu mar labaad galo si uu u helo darajo ka sarreysa:
- Waa inuu soo gudbiyaa warqad codsi ah oo uu u diro xafiiska imtixaanaadka.
- Waa inuu bixiyo $10 (Re-Course fee).
- Shuruud: darajadii hore waa inaysan ka sarreyn Grade D.
🔹 6. Qodobo Muhiim ah (Fiiro Gaar ah)
- Arday kasta oo Re-Course u qoran waa inuu diyaar u noqdaa bixinta lacagta iyo gelitaanka imtixaanka waqtigiisa.
- Wixii cabasho ah waa in lala xiriiraa xafiiska imtixaanaadka ka hor maalinta imtixaanka.
- Ardayga Re-Exam-ka ah waa inuu si fiican isu diyaariyaa imtixaanka.
Siyaasadda Dib-u-Eegista Natiijada Imtixaanka
Ardayga aan ku qanacsanayn natiijada imtixaankiisa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka codsado Xafiiska Imtixaanaadka in dib loogu eego laguna tuso qaabka loo saxay imtixaankiisa.
Shuruudaha Dib-u-Eegista
- Ardaygu waa inuu bixiyo lacag dhan $5, taas oo ah kharashka dib-u-eegista imtixaanka.
- Waa inuu soo qoro warqad rasmi ah oo uu ku caddeynayo inuusan ku qanacsanayn natiijada loo soo saaray.
Go’aanka Dib-u-Eegista
- Haddii dib-u-eegista kadib la ogaado in ardayga laga qalday natiijada, islamarkaana uu xaq u leeyahay dhibco ka duwan kuwii hore:
- Waxaa ardayga loo sixi doonaa natiijadiisa saxda ah.
- Waxaa loo celin doonaa lacagtii $5 ahayd ee laga qaaday.
- Haddii dib-u-eegista kadib la xaqiijiyo in natiijadii hore ay sax ahayd:
- Lacagtii $5 ahayd looma celinayo ardayga.
- Ardayga waxaa laga jarayaa 5 marks sababo la xidhiidha cabasho aan sax ahayn.
🔴 Gunaanad
- Ardaydu waa inay si buuxda u fahmaan shuruucdan kahor gelitaanka imtixaanka.
- U hoggaansanaanta shuruucdan waxay ka caawinaysaa ardayga inuu si habsami leh u dhammeeyo waxbarashadiisa.
SHURUUDAHA DALBASHADA SHAHAADADA ARDAYGA
- Ardayga dalbanaya shahaado waa inuu soo qorto warqad codsi rasmi ah, taas oo uu ku caddeynayo:
- Inuu u baahan yahay shahaadadiisa.
- Magaca uu doonayo in loogu qoro shahaadada.
- Barnaamijka/koorsada uu dhammeystay.
- Marka ardaygu keeno warqadda codsiga xafiiska, wuxuu shahaadada sugi doonaa:
- Ugu yaraan hal toddobaad.
- Ugu badnaan hal bil, laga bilaabo maalinta uu codsiga soo gudbiyo.
- Ardayga shahaadada dalbanaya waa in:
- Aan lagu lahayn wax imtixaan ah.
- Aan lagu lahayn wax lacag ah.
- Aanay jirin wax dembi ama arrin anshaxeed gaar ah oo lagu hayo.
- Haddii shahaadadu aysan ahayn tababar kooban oo ka yar hal bil, waxaa waajib ah inay lahaato dhammaan astaamaha xaqiijinta, sida:
- Physical Security Features
- Digital Security Features
- QR Code verification ama nidaam kale oo lagu xaqiijin karo saxnaanta shahaadada.
- Haddii ardaygu shahaadadiisa lumiyo, waa inuu soo gudbiyaa:
- Warqad nootaayo sharci ah oo uu ku dalbanayo in shahaado cusub loo sameeyo.
- Lacagta shahaadada cusub, maadaama loo baahan yahay hab sharci ah si loo soo saaro shahaado labaad oo leh magac, kuliyad/barnaamij, iyo QR code isku mid ah.
- Waxaa si buuxda u reeban in qof kasta uu helo shahaado aanu aqoonteeda, tababarkeeda, ama waxbarashadeeda si rasmi ah u dhammeystiran.
Copyright © 2026 srcpreuniversty | Powered by WordPress.org
